Maxaa keenay xilligan in afti loo qaado dastuurka Burundi?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa keenay xilligan in afti loo qaado dastuurka Burundi?

Weli waxaa dalka Burundi ka soconaya tirinta codadka aftidii shalay ay dadka dalkaasi ka dhiibteen isbadel lagu sameeyo dastuurkooda, taas oo ay suuragal tahay in Madaxweyne Pierre Nkurunziza xilka loogu sii dheereeyo.

Madaxweynaha ayaa dadka dalkiisa ku amaanay wadaniyadda ay muujiyeen maadaama ay si weyn ugu soo baxeen codbixinta.

Qiyaastii 5 milyan oo qof oo Burundi u dhalatay ayaa codkooda ka dhiibanayay qorshe lagu kordhinayo muddo xileedka madaxweynaha oo lagu gaarsiinayo 7 sano.

Hasayeeshee dadka naqdiya madaxweyne Nkurunziza ayaa waxa ay sheegayaan in natiijada la sii og yahayba maadaama inta badan dadkii ka soo horjeeday ay dalka isaga baxeen, la dilay ama la aamusiyayba.

Si aannu umuurtaan u falanqeyno ayaa waxaannu studio-yaheenna ku casuunnay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid, oo aan waydiiyay waxa xilligan keenay in afti loo qaado dastuurka Burundi?