Dadweynaha Sweden oo la barayo sida dagaal looga diyaargaroobo

Farriinta ay dowladda faafisay waxay bulshada kula talineysa shumaca la shito ay diyaarsadaan si ay u shitaan haddii ay kontarada tagto Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Farriinta ay dowladda faafisay waxay bulshada kula talineysa shumaca la shito ay diyaarsadaan si ay u shitaan haddii ay kontarada tagto

Buskudka qallalan, shumac la shito iyo waxyaabaha nadaafadda lagu ilaashado. Waa qaar ka mid ah talooyinka ay dowladda Sweden kula talineyso guri kasta in lagu keydiyo lacalla haddii uu dagaal dhaco.

Dowladda waxay warqadaha digniinta lagu faafiyey u dirtay 4.7 milyan oo qoys iyada oo farriinta lagu sharraxaya sida ugu wanaagsan ee looga diyaar garoobi karo masiibooyinka dhici kara.

Masiibooyinkaasi oo ay ka mid yihiin weerarrada argagixsada iyo weerarrada dhanka internetka.

Warqadaha digniinta ayaa la faafiyay iyada oo walaac laga qabo dhaqdhaqaaqa militari ee Ruushka, falalka argagixisada iyo warar been abuurka ee sii kordhaya.

Waxaa waraaqahaasi digniinta ka mid ah qayb ku saabsan 'talooyinka diyaargarowga guriga lagu diyaarsado', waxaana ku jira liiska qalabka korontada oo lagu sheegay iney cid kasta ay gurigeeda ku haysato.

Wuxuuna tilmaamayaa ahmiyadda ay leedahay in la diyaarsado cuntooyinka aan xumaanin "kuwaasoo diyaarintoodana ay u baahan tahay biya yar, lana cuni karo iyada oo aan diyaarin kale loo baahanin" waxaana ka mid ah:

  • Roodhiga aan muddada dheer xumaanin (tusaale ahaan Jabbaatiga iyo Buskudka qallalan)
  • Digir la sii kariyey, Biiniska, Digirta qasacadeysan
  • Kalluunka iyo buskudka bajiiga ee qallalan
  • Baastada sida degdegga ah loo karin karo, Bariiska iyo Yaanyada la shiiday
  • Maraqa iyo cunnooyinka tamarta keeno
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waraaqaha digniintu waxay ku talinayaan in la diyaarsado cunnooyinka aan dhaqso xumaanin sida bariiska iyo macmacaanka

Sida oo kale waraaqaha farriinta lagu baahiyey waxay ka digayaan xilliyada ay masiibooyinka dhacaan maadaamaa ay korontada markaaba tagi karto oo uu gurigu markaaba qaboow uu noqon karo.

Sidaa darteed "in hal qol la isugu yimaaddo, in daaqadaha bustayaasha lagu dado, gurigana ay roogag ku goglaan, miisaska hoostoodana ay gabbaad ka sameystaan si ay kuleyl u helaan" ayey ku talinayaan:

Dharka dunta ka sameeysan:

  • Boorsada lagu seexdo
  • Shumac iyo waxyaabaha la shito
  • Raadiyo batari la geliyey, qalab ileys laga helo oo cadceedda ama dabeysha laga helo
  • Liiska lambarada taleefoonnada muhiimka ah
  • Xarigga moobaylka lagu dabeeyo oo gaariga loo isticmaalo

Xilligi uu dhacayey dagaalka labaad ee adduunka waxaa la baahiyey farriimo digniino oo noocan ah.

Waraaqaha digniinta ee la baahiyey waxaa kale oo ku qoran talooyin la xidhiidha kaalinta dacaayadaha laga qaadan karo iyo sida looga hortagi karo, sida gabbaad laga galo duqeymaha loo diyaarsan karo iyo sida biyaha nadiifka ah loo heli karo.

Lahaanshaha sawirka Swedish Civil Contingencies Agency
Image caption Bogag ka mid ah farriimaha qoraalka digniinta ah ee dowladda Sweden gaarsiisay shacabkeeda

Waddamada kale sideey ugu diyaar garoobeen?

Waddama badan ayaa farriima ay dadkooda kula talinayaan horay u soo saaray sida ay dadka ugu diyaar garoobi karaan masiibooyinka dhici kara.

2016-ki, Germalka ayaa dadkiisa kula taliyey iney keydsadaan cunto iyo biyo, si ay xilliyada gurmadka degdegga ah u isticmaalaan. Tala bixintu waxay tilmaameysaa in cunta ku filan ugu yaraan 10 maalmood iyo biya ku filan shan maalmood ay keydsadaan.

Waxayna ahayd markii ugu horreysay oo uu Jarmalku digniintaasi uu soo saaro tani iyo dagaalki qaboobaa iyada oo qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ay ka soo horjeesteen digniintaasi dadweynaha lagu cabsi gelinayo.

Sidoo kale 2016-ki, Lithuania ayaa dadkeeda u sheegtay iney duullaanka Ruushka iisu diyaariyaan. Farriimaha ay baahiyeen waxaa ka mid ahaa sida ay uga gaashaaman karaan taangiyada Ruushka iyo sida ay duurjoogta uga badbaadi karaan.

Xiriirka uu Moscow la leeyahay waddamada Baltica ayaa sii xumaanayey tani iyo 2014, marki uu iska horimaad dhexmaray Ruushka iyo Ukraine.

Sanadihi u dambeeyey, Sweden ayaa kordhisay miisaaniyadda ay ciidamadeeda ku bixiso, iyada oo eegeyso xaaladda ammaanka Yurub, gaar ahaanna dagaalka Ukraine ka dhacay kaalinta uu ku lahaa Ruushka.