Faransiiska oo xiray laba qof ay ku tuhmeen inay basaasin u ahayeen Shiinaha

Shiinaha ayaa looga shakiyay in howlo basaasnimo uu ka wado Faransiiska Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shiinaha ayaa looga shakiyay in howlo basaasnimo uu ka wado Faransiiska

Dawladda Faransiiska ayaa xabsiga dhigtay labo qof oo ka tirsanaan jiray laammaha sirdoonka ee dalkaasi kuwaaso hadda looga shakiyay inay u basaasayeen Shiinaha, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska.

Warbaahinta LCI oo soo xigatay wasaaradda difaaca Faransiiska ayaa sheegtay in labadani qof oo horay kamid ah Sirddoonka DGSE inay galeen khiyaamo qaran oo ay u adeegayeen dal shisheeye.

illo wareedyo ay soo xigataya warbaahinta Faransiiska ayaa ku sheegay inay xiriir la lahaayeen Shiinaha balse saraakiisha ku sugan Faransiiska ma aysan sheegin dalka la xiriirinayo labadaasi qof ay xireen.

Mid kamid ah xaasaska labada qof ee la xiray ayaa lagu tuhmay inay basaas ahayd.

Tuhmanayaashan ayaa dacwad lagu soo oogay bishii Disembar ee sanadkii hore balse sheekadan ayaa hadda soo ifbaxday.

Faransiiska oo fashiliyay "weerar argagixiso"

Faransiiska oo ciidammadiisa kala baxaya CAR

Wararka kale oo ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegay in laamaha dalkaasi ay baaritanno ku hayaan labada sarkaal ee howlgabka ah.

Wararka aya intaasi ku daraya in mid kamid ah raggan uu sirddoonka DGSE uga howlgali jiray magaalada Beijing markii ay soo baxayeen eedeymaha basaasnimo.

Dowladda Faransiiska wax faafahin ah kama bixinin oo ku saabsan raggani lagu tuhmay inay u basaasayeen Shiinaha.

Mowduucyada la xiriira