Hoggaamiyeyaasha labada Kuuriya oo yeeshay shir madaxeed lama filaan ah

Hoggaamiyeyaasha Labada Kooriya
Image caption Hoggaamiyeyaasha Labada Kooriya

Labada hoggaamiye waxay yeesheen shir-madaxeed lama filaan ah oo ka dhacay xadka dalalkooda kaas oo uu codsaday Kim Jong-un.

Waxaa shirka lagu abaabulay muddo 24 saacadood gudahood oo keliya.

Intii wada hadalladu ay socdeen madaxweyne Moon waxaa uu sheegay in Mr Kim uu si xoog leh u doonayo in dhulka Kuuriya laga dhigo meel hubka nukliyeerka ka reebban laakiin aanu hubin in Washington ay dammaanad qaadeyso nabadgelyada xukuumaddiisa.

Si kastaba ha ahaatee, mar la weydiiyay in Mr Kim ay ka go'an tahay inuu iska dhiibo hubkiisa nukliyeerka oo dhan, madaxweyne Moon waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka iyo Kuuriyada woqooyi ay wada hadal yeeshaan si ay u caddeeyaan ujeeddooyinkooda.

Waxaa uu intaas ku daray in labada Kuuriya ay doonayaan inay Maraykanka kala shaqeeyaan in la gaaro bayaan rasmi ahaan lagu soo afjarayo dagaal Kuuriya ka jiray kudhowaad 70 sano.

Mr Moon waxaa uu shirka jaraa'id qabtay maalin kaddib markii uu shir-madaxeedka la yeeshay hoggaamiyaha Kuuriyada woqooyi:

Kaddib markii uu horraantii toddobaadkan joojiyay shir-madaxeedkii ka dhici lahaa, madaxweyne Trump waxaa uu haatan sheegay in arrintu si wanaagsan u socoto, ayna eegayaan in shirkaasi qabsoomo bisha June 12-keeda sida uu qorshuhu ahaa.

Mowduucyada la xiriira