Dagaal ka dhacay Galgaduud

Maliishiyo al Shabaab ka tirsan
Image caption Shabaab waxa ay gobolada dhexe ku dagaallamayaan Ahlu Sunna

Toddobo qof ayaa ku dhintay, tiro ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal saaka dib uga bilowday degaanno u dhow dhow magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.

Dagaalka maanta wuxuu daba socday mid culus oo shalay isla dhulkaas ku dhexmaray xoogaga al-shabab iyo kuwa ahlu-sunnah oo ay ku dhinteen 11 qof.

Sida wararku sheegayaan dadka ku nool xarunta gobolka galgaduud ee Dhuusa-mareeb,ayaa saaka bilaabay inay ka qaxaan magaalada iyagoo ka baqaya in dagaaladu soo gaaran magalada.

Dadkii ku dhaawacmay dagaaladii shalay oo muddo dheer socday ayaa wararku sheegayan in la kala geeyey magalooyinka Guri-ceel iyo ceel-buur oo isla gobolka galgaduud ka wada tirsan.

Collaadda labada kooxood ee islaamiyiinta ah aya ku saleysan sidii dhinac walba uu uga talin lahaa gobolka oo iminka badanki ay maamulaan xoogaga ahlu-sunnah.