Mareykanka oo xiray laba Soomaali ah

Ciidamo Booliis ahj
Image caption Booliiska Mareykanka ayaa muddo baaritaan ku hayay guryo laga shakisanaa

Laba nin oo laga qabtay garoonka diyaaradda e JFK ee magaaladda New York ayaa lagu soo oogay danbiyo ah in ay lug ku lahaayeen mu'aamar ah in ay qaadaan falal argagixiso oo caalmi ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in labadan nin oo kala ah, Maxamed Maxamud Alissa iyo Karlos Edwardo Almonte ay ku talo jireen in ay ku biiraan Ururka Al shabaab, iyagoo qorsheenayay in ay dil, dhawac iyo aftuud u geystaan Mareykanka ku nool dalka Dibadiisa.

Labadan nin ayaa la xiray iyagoo laba diyaaradood oo kale duwan u raaci lahaa dalka Masar. Labadan nin ayaa waxay heystaan dhalashaday dalka Mareykanka.

Mr. Elessa oo ku dhashay dalka Mareykanka ayaa waalidkii waxay ka yimaadeen Falastiin, halka Mr. Almonde uu ku dhashay Jamhuuriyada Domenika.

Ciidamada amaanka ee Mareykanka ayaa labada nin baarayay oo daba socoday laga soo bilaabo 2006dii.

Taliyaha ciidanka boliiska ee magaalada New York ayaa sheegay in labadan nin ay tageen dalka Urdun sanadkii 2007dii, iskuna dayeen in ay galaan dalka Ciraaq, hase ahaatee waxaa dib u soo celiyay dadkii ay ka filayeen in ay tababar siiyaan.