Liibiya: UNHCR ha baxdo

Dad qaxooti ah oo Saxaraha ku soo lugeeyay
Image caption Dad qaxooti ah oo Saxaraha ku soo lugeeyay

Hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in lagu amray inay ka baxdo Liibiya, halkaasoo ay gar gaar ugu fidiso kuman yaal dad oo qaxooti ah.

Afhayeenka qaramada midoobay ee Libiya ayaa sheegatay, in dowladda Liibiya aysan bixin sababta ay goaanka u gaartay.

Kumanyaal qof oo qaxooti ah ayaa sanad walba ka imaada Afrika oo yimaada Liibiya, iyagoo rajaynaya inay Yurub u soo gudbaan.

Liibiya ma qabto hab magan galyo oo ay dadka waydiisan karaan, sidaa darteed hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR ayaa dadka siisa hoy iyo adeeg caafimaad.