Koonfur Afrika oo yeelatay tareen cusub

Tareenkii ugu horeeyay ee dheereeya ayaa laga furay Afrika. Tareenka Gautrain ayaa ku qaadi doona dadka rakaabka xawli dhan boqol iyo lixdan iyo lix kilometer saacad walba, inta u dhaxaysa garoonka diyaaradaha ee Oliver Tambo iyo magaalada Johannesburg oyo Pretoria.

Iyadoo koobka adduunka ee kubada cagta uu bilaabanayo Jimcahan, in ka badan saddex boqol oo kun oo qof ayaa ka filanayaa inay imaadaan bisha uu socdo koobka adduunka.

Tareenka cusub ayaa dadka rakaabka gayn doono magaalada shan iyo tobban daqiiqo gudahood. Taxi hadii la soo qaato wuxuu qaadanayaa hal saac in magaalada lagu imaado markii laga imaado garoonka diyaaradaha.

Mashruucan tareenka waxaa ku baxay saddex billion oo dollar, wuxuuna la kulmay daah badan tan iyo markii la bilaabay shaqadiisa afar sano ka hor.

Image caption Tareenka cusub ee Koonfur Afrika