Dagaal ka dhacay magaalada Burco

Burco Somaliland
Image caption Dad isugu soo baxay dhacdadii maanta ee magaalada Burco

Burco ayaa maanta waxaa ka dhacay iska hor imaad rasaas la adeegsaday oo dhex maray booliiska iyo nimaan aan weli la sheegin waxa ay yihiin.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan booliiska.

Waxaa ku dhaawacmay taliyihii saldhigga booliiska Burco iyo Taliyihii Saldhigga Booliiska Bariga Burco.

Abbaarihii 12-ka duhurnimo wakhtiga Burco ayaa dagaalku billowday.

Waxaa lagu war helay, sida uu soo sheegay weriyaha BBC ee Burco, Xuseen Aw Jaamac Jibriil, iyada oo booliisku ay mar keliya u gurmadeen guri ku yaal bariga Burco.

Gurigii markii la isku rasaaseeyay ka dib ayaa la iskala baxay.

Masjid ayaa lagu dagaallay ka dib.

Aakhirkiina waxaa lagu dagaallamay guri kale.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa BBC u sheegay in booliisku ay qabteen 11 ruux oo afar ka mid ah ay yihiin dumar.

Waxa uu sheegay in dadkaasi lagu qabtay hub iyo walxo laga sameeyo waxyaabaha qarxa.