Ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya

Augustine Mahiga, Ergeyga cusub ee QM u qaabilsan ee Soomaaliya.
Image caption Augustine Mahiga, waa ergeyga cusub ee QM u qaabilsan ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa u magacaaby, Augustine Mahiga, in uu noqdo Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu beddelayaa Axmed Ould Abdallah.

Augustine Mahiga, waxaa uu hadda yahay Wakiilka Joogtada ah ee Tanzania u fadhiya xarunta Qarama Midoobay ee New York.

Sida taa ku cad, wuxuu u dhashay Tanzania.

Ahemd Ould Abdallah, oo hadda xilka wareejin doona, waxaa uu isku darsaday waxyaabo dhowr ah oo laga yaabo in ay ka caawiyeen fahamkiisa Soomaalida iyo wadashaqeynta uu la leeyahay.

Abdallah, marka hore waa nin muslim ah. Sida Soomaalida ayuu ka soo jeedaa dal Carab-Afrikaan ah, markaa wuxuu ku hadlaa af Carabi. Wuxuu Soomaalida la wadaagaa oo kale dhaqanka reer guuraaga.

Intuba waxay u sahleen in ay is fahmaan Soomaalida, siiba ragga magaca diinta siyaasadda ku soo galay oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku hadlaan af Carabi.

Laakiin arrimahaas ka sokow, Abdallah waa diblomaasi gaammuray.

Wuxuuna xididdo gun dheer ku leeyahay dalal codkooda aad looga dhegeysto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Agustine Mahiga, waa diplomaasi khibrad dheer u leh Qarammada Midoobay.

Wuxuuna dabcan ka soo jeedaa geeska Afrika.