Afar Maraykan oo lagu dilay Afganistaan

Niman hubaysan ayaa weeraray ku weeraray baaburta Nato meel u jirta toban kilometer magaalo madaxda Pakistaan ee Islamabad, waxayna qarxiyeen 15 baabuur toddobo qofna way dileen.

Boliiska ayaa sheegay in ilaa 12 mintidiin, oo hubaysan inay weerareen baabuurta oo u socday Afganistaan ayaa istaagnaa markii la weerarary.

Wariyaha BBCda ayaa sheegay in ay weerarkan ahayd kii ugu horeeyay ee ay ku qaadaan magaalo madaxda agteeda.

Afganistaan

Gobolka Helmond mintidiinta Afganistaan ayaa maanta ku soo riday Helicoptar Nato ay leedahay, oo ay saarnaayeen afar Maraykan ah.

Talibaan ayaa sheegay in ay ku soo rideen diyaaradda hoobiyayaal, diyaaradda oo meel hoose maraysay si ay caawinaad u siiso ciidan dhulka joogay.