Booliis ku dhintay qarax Muqdisho

Somali soldiers

Shan ka mid ah booliiska Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho.

Askartu waxay lugeynaysay inta u dhexeysa Dugsiga booliiska ee Xamar Jajab iyo Garoonka dayaaradaha militeriga ee Afisyoone.

Sida uu BBC u xaqiijiyay sarkaal booliisk ah, 4 ayaa ku dhimatay isla goobtii qaraxu ka dhacay, askari kalena waxaa uu u dhintay dhaawicii.

Waddada dheer ee isku xirta Dekedda Muqdisho iyo Isgoyska Nambar Afar, ayaa noqotay mid qaraxyadu ay ku bateen.

Qaraxa oo ahaa kuwa la hago, ayaan la qaban qofkii ka dambeeyay.

AMISOM iyo ciidanka dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa qaraxyadaas dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray.