Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM

Augustine Mahiga, Ergeyga cusub ee QM u qaabilsan ee Soomaaliya.
Image caption Augustine Mahiga, waa ergeyga cusub ee QM u qaabilsan ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa u magacaaby, Augustine Mahiga, in uu noqdo Ergeygiisa Gaarka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu beddelayaa Axmed Ould Abdallah.

Augustine Mahiga, waxaa uu hadda yahay Wakiilka Joogtada ah ee Tanzania u fadhiya xarunta Qarama Midoobay ee New York.

Sida taa ku cad, wuxuu u dhashay Tanzania.

Mahiga wuxuu khibrad dheer u leeyahay gobollada caalamka ee dhibaatada colaadeed ama Qaxooti iyo barakac ay ka taagan yihiin.

Wuxuu muddo badan ka tirsanaa Hey'adda Qaxootiga ee QM, UNHCR.

Weliba Qaxootiga Soomaalida qaarkiis xog ogaal ayuu u yahay, maaddaama uu Madax u ahaa Xafiiska UNHCR, ee Roma intii u dhexeysay 2002 ilaa iyo 2003.

1998 ilaa 2002 wuxuu ahaa Wakiilka UNHCR ee New Delhi, India.

1994 ilaa 1998 wuxuu fadhigiisu ahaa Geneva isaga oo qaabbilsanaa Hawlgalka Deg Degga ah ee Qaxootiga gobolka Harooyinka Waaweyn ee Afrika (Burundi, Rwanda iyo J. D. Congo.

Intaas oo dhan ka horna wuxuu ahaa Wakiilka UNHCR ee Monrovia, Liberia.

Augustine Mahiga, wuxuu wuxuu dhahaaddada PhD ku sameeyay Xiriirka caalamiga ah. Wuxuuna qoray dhowr buug iyo dhowr Qormo.

Fahamka Soomaalida

Ahmed Ould Abdallah, oo hadda xilka wareejin doona, waxaa uu isku darsaday waxyaabo dhowr ah oo laga yaabo in ay ka caawiyeen fahamkiisa Soomaalida iyo wadashaqeynta uu la leeyahay.

Abdallah, marka hore waa nin muslim ah. Sida Soomaalida ayuu ka soo jeedaa dal Carab-Afrikaan ah, markaa wuxuu ku hadlaa af Carabi. Wuxuu Soomaalida la wadaagaa oo kale dhaqanka reer guuraaga.

Intuba waxay u sahleen in ay is fahmaan Soomaalida, siiba ragga magaca diinta siyaasadda ku soo galay oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku hadlaan af Carabi.

Laakiin arrimahaas ka sokow, Abdallah waa diblomaasi gaammuray.

Wuxuuna xididdo gun dheer ku leeyahay dalal codkooda aad looga dhegeysto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Agustine Mahiga, waa diplomaasi khibrad dheer u leh Qarammada Midoobay.

Wuxuuna dabcan ka soo jeedaa geeska Afrika.