Eedeyn ka dhan ah Somaliland & Puntland

Hoggaamiyaha SSC, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ah Hoggaamiyaha SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn). ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay maamullada Somaliland iyo Puntland.

Wuxuu ku tilmaamay in ay ka go'an tahay in aagga Buuhoodle uu ka saaro waxa uu ugu yeeray "malleeshiyada ka timid Hargeysa" oo uu ula jeedo ciidanka Somaliland.

Wax kasta oo ay qaadaneyso waan ku dhaqaaqeynaa, ayuu yiri.

Arrintaas waxaan nala og, ayuu yiri, dowladda Federaalka ah ee Muqdisho. Isaga oo intaa ku daray in ay dowladda ballansan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu ku gacan seyray Madaxweynaha Puntland oo hadda ka hor ku tilmaamay in SSC aanay cidna metelin.

Wareysi uu BBC siiyay Hoggaamiyaha SSC waxaad ka dhegeysan kartaa idaacadda 0700 wakhtiga Buuhoodle.