Ciidanka Dowladda oo 7 dilay

7 qof ayaa lagu dilay, 10 ka badanna waa lagu dhaawacay dagaal maanta ka dhacay Muqdisho oo ciidanka dowladda dhex maray.

2 rayid ah ayaa dagaalka lagu dilay, 5 kalena waxay ka dhimatay askarta dagaallamaysay.

Booliiska iyo militeriga dowladda ayaa gorodda is daray.

Waxaa la sheegay in dagaalkoodu ka billowday, raashin mucaawino ah oo uu bixiyay barnaamijka cuntada adduunka WFP.

Raashinka ayaa ciidanka qaar doonayay in uu dhaco, meesha kuwa kalena ay ka daafacayeen.

Xaafadda Xamar Jajab ayaa dagaalku dhacay, wuxuuna saameeyay dhaqdhaqaaqii dekedda.

Wax ka Dhicin iyo Kala Dhicin

Ciidanka Afrika ee AMISOM ayaa taangiyo ku kala dhex galay ciidanka dowladda ee ku dhex dagaallamaya xaafadaha tirada yar ee ay dowladda Soomaaliya ka taliso.

AMISOM, waxay mashquul ku tahay wax ka dhicinta dowladda oo ay ka ilaalineyso kooxaha ka soo horjeeda.

Maantana waxaa ugu soo biiray kala dhicinta ciidanka dowladda.

Ciidanka Dowladda

Ciidanka dowladdu wuxuu isugu jiraa kuwo ka soo haray, Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa, Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Qaar ka yimid ciidankii Maxkamadaha iyo kuwo kale oo dhowaanahan la qoray, iyada oo aan la is weydiin waxa ay ahaan jireen.

Qaar badan oo ka mid ah waxaa lagu soo tababbaray Ethiopa, Uganda, Djibouti iyo dalal kale.

Ilaa iyo hadda guul la taaban karo kama soo hoyn jiidda hore ee dagaalka oo ah xaafado ka tirsan Muqdisho.

Laakiin ciidanka warar laga helay waxay ka cabanayaan daryeel la'aan.

Taas ayay dadka qaar sabab uga dhigaan in ay rayidku ka sheegtaan ciidanka dowladda oo ay ku tilmaamaan in uu dadka furto oo xataa telefoonnada gacanta uu ka qaato.

In ciidanku maanta raashin u dirirayaanna waxay muujineysaa daryeel la'aanta ay ka cabanayaan.

Shaqadu waa sideedii hore

Xuumadda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo aan weli beddelin 3 ka mid ah 4 tii Wasiir ee lagu dilay qaraxii bishii Disembar ee sannadkii hore, ayaa haddana waxaa is casilay afar Wasiir oo hor leh.

Weli laguma guuleysan in Wasiirradaas la beddelo.

Waxaa iyaguna isla casilay laba Wasiir oo uu midkood noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka midna looga adkaaday tartankii Guddoomiye Xigeenka.

Waxaa kale oo aan lagu guuleysan in isku shaandheyn lagu sameeyo xukuumadda, si looga qeyb geliyo Ahlu Sunna, oo ay Madaxda dowladdu kula heshiiyeen xilala ay Wasiirro ka mid yihiin.

Ilaa iyo hadda, jawaabta keliya ee ka soo baxday xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu waxay noqotay in Wasiirrada is casilay aanay is hor taagi Karin shaqada dowladda.

Wasiirrada is casilay oo qaarkood ay aad xog ogaal u ahaayeen marka la dhegeysto hadalladooda, waxaa soo baxaysa su’aasha ah meesha ay ka socoto karti darrada iyo waxqabad aqoon la’aantu.

Waxaana taa wehliya, in weli isku dhacyadii ciidanka dowladda dhexdiisa ay rayidku ku dhimanayaan, ciidanku ku dhimanayo, shaqadii dekeddu ay ku xayirmeyso, AMISOM-na ay ka mashaquuleyso kala dhcintooda.