2 lagu dilay Boosaaso

Ku-simihii xeer-ilaaliyaha gobolka, Bari Cali Jaamac Khalf, ayaa gooor dhowayd toogasho lagu dilay bartamaha magaalada Bosaso waxaana sida la sheegayo rasaas ku furay nin dablay ah oo aan la aqoonsan.

Weerarkan waxaa kale oo ku dhintay nin ganacsade ahaa oo isaguna waqtigaas ku sugnaa meel u dhow goobta ay toogashadu ka dhacday. Nin ka mid ahaa ilaalada xeer-ilaaliyaha ayaa isagana ku dhaawacmay weerarkaas.

Dadkii weerarkan gaystay oo aan tiradooda la aqoonin ayaa goobta ka baxsaday mana jirto cid fallkan loo qabtay sida ay sheegayaansaraakiisha dawladda.

Waa markii saddexaad ee goor maalin ah ay toogasho noocaan ahi ka dhacdo bartamaha magaalada Bosaso oo dadna lagu laayay iyadoo saddexda goorna ay baxsadeen dadkii weeraradaas ka dambeeyay.