5 ruux oo lagu dilay Nairobi

Qof dhaawac ah
Image caption Qof ku dhaawacmay qaraxa Nairobi

Shan ruux ayaa ku dhintay ka dib markii dad isugu soo baxay Rabbi bari Masiixi ah ay is jiireen bartamaha Nairobi.

Tobannaan ayaa dhaawacmay.

Booliisku waxay rumeysan yihiin in laba qarax oo meesha ka dhacay ay sabab u yihiin saska dadka ku dhacay.

Booliisku waxay heleen meyd qof xabbad lagu dilay.

Ma cadda in qaraxyada oo ahaa nooca waxyaabaha qarxa ee guryaha lagu sameeyo, iyo qofka rasaata lagu dilay ay ahaayeen wax loogu tala galay bannaan baxa.

Dibad baxa Rabbi bariga ah waxaa iisugu yeeray hoggaamiyayaasha Kiristaanka oo ka soo horjeeda isbeddel la soo jeediyay in dastuurka lagu sameeyo oo iyagu ay ku diiddan yihiin dhinacyada ku saabsab Ilamaha uurka ku jira in la soo ridi karo iyo hirgelinta Maxkamadaha Shareecada.

Ra'iisal Wasaaraha Kenya, Raila Odinga, ayaa isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay goobtaas.

Odinga wuxuu yiri baaritaan ayaa socda, dadkii ka dambeeyayna wey ka shallaayi doonaan.

Mid ka mid ah Madaxda Kaniisadaha Kenya ayaa ku tilmaamay in aanay isaga la ahayn in dadka dastuurka diiddani ay ka dambeyaan qaraxan.

Kenya oo qiyaastii rubuc ay dadkeedu Muslim yihiin, waxay dastuurkan u qaadi doontaa Afti dhacaysa bisha August.