Ducaale "SSC waa koox argagixiso ah"

Somaliland Minsiter
Image caption Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdullaahi M. Ducaale

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdullaahi Maxamed Ducaale, ayaa ku tilmaamay hogaamiyaha ururka SSC Suleymaan Ciise Axmed inuu yahay nin argagixiso ah.

Wasiirka oo ka jawaabayay wareysi ay BBC la yeelatay hogaamiyaha ururka Sool, Sanaag iyo Ceyn (SSC) ayaa waxa uu sheegay in maamulka Somaliland ay u aqoonsan yihiin ururka SSC iyo guddoomiyihiisaba inay yihiin argagixiso.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxa uu sheegay in dhibaatada ka dhacday degaanka Buuhoodle iyo Widh-widh uu isaga masuul ka ahaa.

Cabdullaahi Maxamed Ducaale, waxa uu sheegay in guddoomiyaha SSC uu dhibaato ka wado gobolkaasi, isla markaana ay Somaliland iska celin doonto, una dulqaadan doonin.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland waxa uu sheegay in ay ka sugayaan war cad ka soo saarto dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo uu sheegay in guddoomiyaha SSC uu ku andacooday inay wax isku ogyihiin.

Waxa uu sheegay in ay jawaab cad ay ka doonayaan dowladda Soomaaliya, isagoo intaa sii raaciyay in haddii ay taasi jirto ay Somaliland u aragto in fara gelin iyo dab la doonayo in la geliyo.