Shabaab oo la wareegay xarun IMC

Shabaab
Image caption Maliishiyo ka tirsan Shabaab

Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa maanta xoog ku galay xarunta hey'adda IMC ee magaalada Beledweyne.

Sida ay BBC u sheegeen dad goob joogayaal ah, ciidamada Shabaab oo hubeysnaa ayaa waxay amar ku siiyeen shaqaalihii iyo ilaaladii xarunta inay isaga baxaan halkaasi, iyagoo gacmo maran.

Lama sheegin wax khasaaro ah ama dhibaato ah oo ay gaarsiiyeen xarunta ama shaqaalaha.

Xarakada Shabaab ayaa horey waxa ay u mamnuucday hey'adda IMC oo ay sheegtay in aanay ka hawlgeli karin meelaha ay ka taliyaan.

Arrintan ayaa ku soo beegantay kadib markii ay magaalada Beledweyne la wareegeen Shabaabka, halkaasi oo ay horey gacanta ugu hayeen Xisbul Islaam oo ciidamadoodu isaga baxeen xalay habeen barkii.