Shukri Xaaji Ismaaciil

Calanka Somalilan
Image caption Calanka Somaliland

Shurki Xaaji Ismaaciil Bandare oo ka mid ahayd xubnihii guddigii hore ee qabatay doorashooyinkii hore ee Somaliland ayaa BBC u sheegtay in ay u muuqato in xisbiyada iyo dadkuba ay heleen waaya aragnimo.

Waxa ay sheegtay marka la barbar dhigo doorashooyinkii hore in ay xisbiyadu u bislaadeen nidaamka ololaha doorashooyinka, oo ay isku si uga ololeynayaan gobolada oo dhan.

Shukri Xaaji Ismaaciil waxa ay sheegtay inay u egtahay in qabyaaladdii laga fogaaday, oo saddexda xisbi ay si isku mid ah uga ololeynayaan Somaliland.

Waxa ayse walaac ka muujisay balanqaadyada ay sameynayaan xisbiyada oo ay sheegtay inay shaki ka qabto in ay wada fulin doonaan.

Ololaha doorashada Somaliland ee xisbi waliba taageerayaashiisa usoo saarayo fagaarayaasha magaalooyinka ayaa haatan maraya meel kulul.

Musharraxiinta ku loolamaya jagada madaxweynaha ayaa iska daba wareegaya gobollada si ay u kasbadaan codka shacabka.