Israel oo ka shiraysa xayiraada Gaza

Israel milatary
Image caption Gaza waxaa saaran xayirraad dhinaca xudduuda tan iyo intii ay maamulka la wareegeen Xamaas

Wasiirada Amaanka u qaabilsan dowlada Israel ayaa maanta leh shir ay uga hadlayaan in laga qaado xayiraada Gaza.

Shirkan ayaa imaaday maalmo kadib markii ergayga gaarka ah ee bariga dhexe Tony Blair, uu wadahadal la yeeshay hogaamiyayaasha Israel ,uuna sheegay inuu ku kalsoon yahay inay ku heshiiyeen in xayiraada qaar laga qaado Gaza.

Israel ayaa caddaadis badan la saaray si ay u qaado xayiraada, tan iyo intii ay weerarka ku qaaday markabyo isku dayay bishii hore inay gargaar geeyaan Gaza oo ay sharciga xayiraada jabiyaan.

Shalay Israel ayaa ogolaatay inay fasaxdo maraakiibtii gargaarka keenay inay noqdaan, iyo in qaramada midoobay ay qaybiso gargaarka ay maraakiibta keeneen.