Gaza oo laga fududaynayo xayiraada

Banaanbax lagu taageerayo Gaza
Image caption Banaanbax looga soo horjeedo xayitaada Gaza

Israel ayaa ku dhawaaqday inay fududaynayso xayiraadii saarneed Gaza saddexda sano.

Qoraal gaaban ee ay soo saartay, kadib shir laba bari u socday Israel ayay sheegeen in hab la ogolaanayo in la soo galiyo alaabada rayadka la fududaynayo.

Israel waxay balanqaaday in la ballaariyo alaabada dhismaha ee la soo dajinayo, iyadoo ay kor meeri doonaan kooxo caalami ah.

Israel ayaa ku soo rogtay Gaza xayiraada, kadib markii ay Xamas la wareegtay maamulka Gaza.

Fududaynta xayiraada ayaa ka danbaysay kadib markii uu caalamka caddaadis saaray Israel, markii sagaal qof ay ku dhinteen bishiii hore weerar ay Israel ku qaaday marakiib gar gaar oo laga lahaa dalka Turkiga oo u waday Gaza gar gaar si ay u jabiyaan sharciga xayiraada Israel.