HRW: Xadgudubka boliiska Kenya

Qaxooti Soomaali, in Dhadhaab
Image caption Qaxooti Soomaali ah oo sugaya inay is diiwaangaliyaan xerada dhagaxleey ee Dhadhaab

Human Rights Watch ayaa sheegtay in boliiska Kenya ay ku xad gud baan dadka Soomaalida ee ka soo carrara dagaalka, Mar mar ka qaar dib ayay u celiyaan dadka hadii aysan bixin laaluush ama lacag.

Human Rights Watch waxay sheegtay in Boliiska ay dilaan dadka, kufsadaan dumarka, ayna si sharci daro ah dadka u xiraan hadii aysan lacag bixin.

Warbixinta waxay sheegtay in boqolaal qof loo celiyay Soomaaliya sanadkan kaliya, taasoo jabinaysa sharciga caalamiga.

Boliiska keenya ayaa beeniyay xad gudubkan, laakiin waxay sheegeen inay baaritaan ku samaynayaan eedaymaha.

Kenya waxay xarun u tahay boqolaal kun oo qaxooti ah, oo ka soo cararay dagaalada Soomaaliya ka socda Labaatanka sano.

Kenya ayaa xirtay xudduuda ay leedahay Soomaliya sanadkii hore, laakiin dadka si sharci daro ah ayay ku soo galaan.