Gadoodka ciidanka Madaxtooyada

Askari ka tirsan ciidanka dowladda
Image caption Askari ka tirsan ciidanka dowladda

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay gadood sameeyeen ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada, ayaa rasaas cirka u ridayay, iyagoo in muddo ah xannibay in madaxtooyada la galo ama laga soo baxo xilli uu madaxweynaha Soomaaliyana ku sugnaa gudaha xafiiskiisa, oo ku yaalla xarunta madxtooyada Soomaaliya.

Xiisadan, ayaa waxay jirtay dhawr saacadood, waxaase markii danbe soo dhexgalay oo arinta qaboojiyay ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo ilaallo xooggan ka haya madaxtooyada.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Soomaalida ah, ayaa waxay dalbanayaan mushaharkooda, oo ay sheegeen in aan la siinin dhowr bilood.