Lix loo xiray toogashadii General Kayumba

General Kayumba
Image caption General Kayumba waxa ay isku dheceen Madaxweyne Paul Kagame

Ciidamada Booliiska ee Koonfur Afrika ayaa xiray lix qof oo loo heysto isku daygii dil ee lagu toogtay General u dhashay Rwanda oo masaafuris u jooga Koonfura Afrika.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska ayaa sheegay in laga yaabo in dad kale loo xiro dhacdadaasi.

General Kayumba Nyamwasa ayaa laga toogtay caloosha xilli uu ka soo laabtay dukaan uu wax ka iibsanayay.

Xaaska Generalka ayaa ku tilmaantay in ay ahayd isku day dil oo ay ka danbeysay dowladda Rwanda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Rwanda ayaa beeniyay eedeyntaasi.

General Nyamwasa ayaa magangelyo u tagay Koonfur Afrika bishii February, kadib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame.