Tirada codbixiyeyaasha Somaliland oo lagu dhawaaqay

Guddiga doorashada Somaliland
Image caption Xubnaha guddiga doorashada Somaliland

Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta soo saaray liiska rasmiga ah ee u dambeeyay ee cod bixiyeyaasha doorashada.

Shir jaraa'id oo guddigu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu soo bandhigay tirada guud ee dadka codkooda ka dhiiban doona doorashada Somaliland oo ah 1, 069, 914 qof.

Afhayeenka guddiga doorashada Somaliland Maxamed Axmed Xirsi oo wareysi siiyay BBC kadib shirkooda jaraa'id ayaa waxa uu sheegay in sanadkii 2008 tirada dadka is diiwaangeliyay ay ahaayeen 1,375,660, taasi oo uu sheegay in markii ay haatan sifeeyeen liiskaasi ay ka saareen tiro ah 305,746.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Afhayeenku waxa uu sheegay in dhamaan xisbiyada siyaasadda Somaliland ay siiyeen nuqul ka mid ah liiska, isla markaana aanu jirin wax khilaaf ah oo raali laga wada yahay.

Doorashada Somaliland, oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta Sabtida ee 26-ka bishan June.