Canshuur joojinta Eastleigh oo la kordhiyay ilaa July

Eastleigh
Image caption Xaafadda Eastleigh waxa ay ka mid tahay meelaha ugu dadka badan Nairobi

Maxkamadda sare ee magaalada Nairobi ayaa muddo bil ah ku kordhisay amar la siiyay golaha deegaanka oo ku saabsanaa in la joojiyo canshuurta laga qaado ganacsatada xaafadda Eastleigh.

Go'aankan ayaa maxkamaddu gaartay kadib markii ganacsatada xaafaddaasi oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan ee magaalada Nairobi ay maxkamadda kaga dacwoodeen in golaha deegaanka aanu bixin adeegyada aasaasiga ah ee looga baahnaa, inkastoo laga qaado lacag malaayiin ah oo canshuur ay ku dhiibaan sanad walba.

Dadka ku nool ama ka ganacsada xaafaddaasu oo u badan Soomaali Kenyan ah ayaa sheegay inay doonayaan inay iyagu abaabushaan adeegyadooda.