Kenya oo diiwaangelineysa telefoonada mobile-ka

Mobile
Image caption Kenya waxa isticmaala taleefoonada gacanta ilaa 20 milyan oo qof

Kenya ayaa bilowday inay diiwaangelis telefoonada mobile-ka, kaasi oo qeyb ka ah isku day lagu doonayo in wax looga qabto dambiyada la xiriira telefoonada ee ka dhaca waddanka.

Dadka isticmaala mobile-ka ayaa hadda kadib ay tahay inay dhiibaan waraaqo cadeynaya meesha uu qofku ku nool yahay ama degan yahay ka hor inta aan la siin lambar telefoon.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in number kasta oo aan diiwaangashneyn la goyn doono dhamaadka bisha July.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegaya in arrintan ay tahay mid aad loo taageersan yahay, iyadoo dadku ay rajeynayaan inay yareyn doonto dambiyada dhaca.

Waddanka deriska la ah ee Tanzania ayaa horey u bilowday mashruucan oo kale.

Kenya ayaa waxa ay leedahay 20 milyan oo qof oo isticmaala telefoonka mobile-ka, taasi oo ah ku dhawaad kala bar tirada dadka Kenya, waxaana sidoo kale ay leedahay adeeg horumarsan oo dhinaca bangiyada ah loo isticmaalo mobile-ka.