Shabaab oo soo dhaweysay saraakiil ka goostay Xisbul Islaam

Shabaab
Image caption Ciidamo ka tirsan al-Shabaab

Maamulka Xarakada Shabaab ayaa soo dhaweeyay xubnihii ugu sareeyay Xisbul Islaam gobolka Hiiraan oo ka goostay Xisbiga kuna biiray Shabaab.

Xaflad lagu qabtay magaalada Beledweyne shalay ayaa lagu soo dhaweeyay xubnahaasi oo ah guddoomiye ku xigeenkii Xisbul Islaam ee gobolka iyo madax kale.

Xisbul Islaam ayaa sheegtay in sababta ay ciidamadooda ugala baxeen magaalada Beledweyne ay tahay si ay uga fogaadaan in dagaal militeri uu dhexmaro iyaga iyo dagaalyahaniinta kooxda ay is hayaan al-Shabaab.

Mar sii horeysay ayaa afhayeen ka tirsan Xisbul Islaam, waxa uu sheegay in xubno ka tirsan ururkooda ay ku biirayaan al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa hadda waxa gacanta ku wada haya ciidamada Shabaab.

Xarakada Shabaab ayaa toddobaadkii hore la wareegtay magaalada Beledweyne, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen ciidamada Xisbul Islaam oo horey u joogay.

Labada dhinac ee Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa horey dagaallo ugu dhexmareen gobollada Jubbooyinka.