Rayaale: Is casilaad uma hakaneyno

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taageerayaasha UDUB
Image caption Taageerayaasha UDUB

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku tilmaamay in Wasiirrada xukuumaddiisa iscasilaadda laba Wasiir oo xukuumaddiisa ka tirsani aanay waxba u dhimi doonin xisbiga UDUB ee talada haya.

Xalay ayaa waxaa is casilay Wasirkii Madaxtooyada, Xasan Macallin, iyo Wasiirkii Warshadaha, Axmed Cali Ubaxle.

Waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu ka gaabiyay tartanka doorashada.

Madaxweyne Rayaale oo u warramay BBC, waxaa uu ku tilmaamay in ragga is casilay iyada oo laba maalmood ay doorashadii ka hartay ay muujineyso iyaga shakhsiyaddoodu waxa ay tahay.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in uu ka xun yahay is casilaadda Wasiirrada.

Markii la weydiiyay sababta uu u maleynayo in ay isu casileen, waxaa uu Madaxweynuhu ku tilmaamay in ay jirto wax u qarsoonaa nimanka is casilay.

Madaxweyne Rayaale waxaa uu soo jeediyay eedeyn uu ku tilmaamay in ay jiraan rag ganacsato ah oo Wasiirro ku yiri is casila si aan lacag idiin siinno.

Dadka reer Somaliland, waxaa uu Madaxweynuhu ugu yeeray in ay xisbigiisa doortaan. Wuxuu ku tilmaamay in aan isaga markii horeba qabiil lagu dooran, haddana uu codsanayo in lagu doorto qaab Somaliland ah.

Hadalkaasi waxaa muuqata in uu jawaab u yahay Wasiirkii Warshadaha oo ugu baaqay taageerayaashiisu in ay u codeeyaan xisbiga Kulmiye.

Ammaanka

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay ciidanka nabadgelyadu in ay feejignaadaan, oo ay xaqiijiyaan in ay cod bixintu ku dhacdo jawi nabad ah.

Waa in laga digtoonaadaa ayuu yiri cid kasta oo carqaladeyneysa ammaanka doorashada.

Natiijada Doorashada

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu sheegay in Hoggaamiyayaasha saddexda Xisbi ay tahay in ay aqbalaan natiijada doorashada.

Ma ahan ayuu yiri, wax annaga nagu xiran ee waa go'aanka dadweynaha Somaliland, waana in aan u hoggaansanaannaa.

Haddii ay dhacdo, ayuu yiri, in la iiga guuleysto doorashada waxaan xilka u wareejinayaa si nabad ah, oo aan muran ku jirin.