Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamada Burcadda

Image caption Dad lagu tuhun san yahay burcad oo lagu qabtay badda dhexdeeda

Maxkamad gaar ah oo loogu tala galay in lagu dacweeyo dadka lagu tuhunsan yahay burcad baddeda, ayaa laga furay magaalada Mombasa ee Kenya.

Maxkamada oo ay maal galiyeen Midowga Yurub iyo hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan danbiyada iyo daraaga, ayaa waxaa laga hirgaliyay xabsi dhexdiisa.

Kenya ayaa horaantii sanadkan sheegtayu inay joojinayso in dacwad ku qaadida burcadda, sababtoo ah ma aysan ka helin caalamka taageero lacag.

Burcad baddeeda Soomaalida ayaa si joogto ah weerarta maraakiibta, kadibna waydiisata lacag mallayiin ah si loo sii daayo markabka iyo shaqaalaha.