Cod bixiyayaasha Somaliland

Guddiga Doorashada Somaliland
Image caption Guddiga doorashada Somaliland

Dadka Somaliland oo berri u dareereysa goobaha cod bixinta ayaa maanta shaaca laga qaaday tirada gobolk kasta is diiwaan gelisay.

Maroodi-Jeex oo ah Gobolka Hargeysa, waxaa is qortay 361,498 qof. Waana gobolka ugu dad badan.

Waxaa ku xigay Gobolka Togdheer ee Burco ay xarunta u tahay oo ay is qoreen 243,221 ruux.

Kaalinta saddexaad waa Gobolka Awdal ee Borame, oo ay is diiwaan geliyeen 176,912 oo qof.

Sanaag ayaa ku daba jirta oo ay kaadhadhka sitaan 146,371 qof.

Sool waxaa is diiwaan geliyay, baa la yiri, 98,314 qof.

Gobolka Saaxil oo ah Berbera, isagana waxaa qoran 43,097 ruux.

Doorashadan waxaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin la tartamaya Axmed Maxamed Silaanyo, oo madax u ah xibiga Kulmiye, horena u ahaan jiray Wasiir ka tirsan dowladdii Soomaaliya, intii aanuu ka hor imaan Madaxna u noqon Jabhaddii SNM.

Xisbiga UCID, Guddoomiyihiisa, Feysal Cali-Waraabe, ayaa isaguna u tartamaya in uu Madaxweyne ka noqdo Somaliland.

Berri waxaa la joojin doonaa dhammaan isu socodka gaadiidka ee Somaliland gudeheeda, marka laga reebo kuwa haysta oggolaasho khaas ah.

Murashixiintu waxay wada qireen in ay u hoggaansanaan doonaan natiijada doorashadu waxa ay noqoto.

Waxaa magaalada Hargeysa ku sugan Korjoogto caalami ah oo eegeysa sida ay doorashadu u dhacdo.

Waxaa kale oo ku sugan weriyayaal caalami ah oo ka warramaya waxa dhacaya.