Damaashaadka Djibouti

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle
Image caption Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Djibouti oo xaflad ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ayaa ku marti qaaday dadweyne aad u fara badan.

Wuxuu uga warbixiyay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale, ammaan iyo bulsho ee dalka.

Wuxuu sheegay in libin laga gaari doono khilaafka Eritrea, oo hadda uu waan waan ka dhex wado labada dal, Amiirka dalka Qadar, labada dalna la isa soo hor fariisin doono.

Damaashaad

Xaafadweynta Belbela ayaa duleedkeeda waxaa maanta dhacay dabbaaldeg ay ciidanku rac-rac u soo mareen iyaga oo salaan siinaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Qacda horeba waxaa soo maray ciidanka Badda ee Djibouti, oo uu horkacayo Taliyahooda, Cabdiraxmaan Adan.

Ciidanka cirka, kan dabbaabadaha, dam demiska iyo booliiska iyo dhallinyarada sida ciidanka u tababbaran ayaa intuba salaan halkaa ku bixiyay.

Dadweyne aad u fara badan oo isu soo baxay ayaa daawanayay ciidanka oo ku lebbisnaa dhar midabyo kala duwan lagu xardhay oo qurxoon.

Waxaa kale oo ay dadku daneynayeen Gawaarida Gaashaaman ee ciidanka iyo dabbaabadaha iyagu xamaaranayay.

Halganka Djibouti

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sheegay in aan la illowsaneyn dadkii ku agoon toobay halgankii gobannimada.

Waxaa kale oo uu sheegay in mashaariic badan dalka laga hirgeliyay, qaar kalena hadda gacanta lagu hayo.

Dhinaca siyaasaddana waxaa uu axsaabta mucaaradka ugu baaqay in ay ololaha doorashada ay la sugaan markii xilligeeda la gaaro.