England V Germany

Germany vs England

Germany iyo England ayaa galabta foodda is dari doona.

Waa laba kooxood oo weligood xagga kubadda cagta uu ka dhexeeyo tartan aan waxba lala harayn welibana uu qab ku jiro.

Loollankoodu wuxuu saameeyay shir madaxeedka G20 ee ka socda Canada, halkaas oo Hoggaamiyayaasha Germany, Angela Merkel iyo Britain, David Cameroon ay fasax ka qaadan doonaan shirka si ay cayaarta qaarkeed ay daawadaan.

Waxaa la filayaa in ay siku qol ku daawan doonaan.

Argentina ayaa iyaduna la cayaari doontya Mexico.

Image caption Ghana

Labada kooxood ee labadan cayaarood ku guuleysta ayaa ku biiri doona Ghana oo iyadu shalay u soo baxday siddeedda ugu dambeeya ee ku tartamaya Koobka Adduunka.

Ghana waxay noqotay dalkii saddexaad ee Afrikaan ah ee abid u soo baxa koobka adduunka.

Waxaa quustay oo koobka ka haray Mareykanka ka dib markii ay Ghana uga badisay 2 iyo 1 Gool.