Turkey oo ka mamnuucday hawadeeda Israel

Raiisal wasaaraha  Turkey Tayyip Erdoga
Image caption Raiisal wasaaraha Turkey Tayyip Erdoga

Raiisalwasaaraha Turkey Racep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in diyaaradaha milatariga ee Israel aysan dul mari karin hawadda turkey.

Talaabadan ayaa loo arkaa in looga aargudanayo Israel, weerarkii ay ku qaaday markabkii gargaarka u siday Gaza bishii hore, oo ay ku dhinteen sagaal qof oo Turkish ah.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in mamnuucida aysan saamaynayn diyaaradaha rayadka ah.

Diyaaradaha milatariga ee Israel ayaa isticmaali jiray saldhigyo ku yaala Turkey markay tababaranayaan.

Laakiin hadda Turkey waxay sheegtay, inay dib u eegayso howlaha milatari ee ay la samayso Israel, waxayna sheegtay inay joojinayso inay qalab milatari ay ka soo iibsato Israel.