Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka waxbarashada Puntland

Image caption Shirka waxbarashada Puntland oo maanta ka dhacay Puntland

Magaalada Garowe waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha waxbarashada si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee waxbarashada taas oo looga gol leeyahay in la helo waxbarasho tayaysan.

Kulankan oo ay qabanqaabisay kulliyadda tababarka macallimiinta Garowe (GTEC) waxaa ka qaybgalay hay'adaha waxbarashada ee caalamiga iyo kuwa dawladda, xubno ka socda golayaasha dawladda, ganacsato iyo dad khibrad u leh waxbarashada.

Weriyaha BBCda Axmed M.Cali ayaa sidii kulankaasi u dhacay ka waraystay hormuudka kuliyadda macallimiita Garowe Prf. Cabdirisaaq Axmed Sheekh (Shoole) wuxuuna waydiiyay qodobbada ugu muhiimsan ee kulankaas diiradda lagu saaray.