Isbitaal Puntland oo dab qabsaday

Isbitaalka Puntland
Image caption Isbitaalka Puntland waa midka ugu weyn deegaankaas

Isbitalka Puntland Hospital oo ku yaalla magaalada Boosaaso, ahna midka ugu wayn isbitaallada gaarka loo leeyahay ee degaankaas ayaa gebi ahaanba albaabada loo xiray ka dib markii uu dab qabsaday shalay gelinkii dambe kaas oo burburiyay qaybo muhim ah oo isbitalka ka tirsan.

Isbitaalka ayaa xilliga uu dabka qabsanayay waxa jiifay bukaan badan, balse waxaa lagu guuleeystay in dadkaas dhamaantood laga saaro isbitalka iyagoo badqaba.

Agaasimaha guud ee isbitalka Puntland Dr. Cabdisalaan Xasan Cabdi oo BBC u waramay ayaa sheegay in khasaaro weyn ay soo gaartay isbitaalka.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in dabku qabsaday dhamaan keydkii isbitaalka ee daawooyinka iyo qalabka, ayna muddo ku qaadatay sidii loo damin lahaa dabkaasi.

Dr. Cabdisalaan waxa uu sheegay in wali ay qiimeynayaan inta uu la eg yahay guud ahaa khasaaraha gaaray isbitaalka.

Waxa uu sheegay in aanay ogeyn sababta dabka isbitaalka kicisay, balse ay wadaan baaritaan arrintaasi la xiriirta.