Raila Odinga oo la dhigay Isbitaal

Raila Odinga
Image caption Raiisul wasaare Raila Odinga

Raiisul Wasaaraha Kenya, Raila Odinga, ayaa la dhigay cisbitaal yaalla magaalada Nairobi, kadib markii uu qabtay daal aad u badan.

Afhayeenkiisa, (Dennis Onyango) ayaa sheegay in dhakhaatiirtu ay ku amreen Mr Odinga oo 65 jir ah in waqti nasiino buuxda ah uu qaato, oo aanu sariirta dhaafin, inkastoo ay sheegeen in wali uu shaqeyn karo.

Raiisul Wasaare, Raila Odinga, ayaa si adag waxa uu olole ugu jiray dastuurka cusub ee dhawaan aftida loo qaadi doono, kaasi oo uu taageersan yahay.