Sepp Blatter oo raali gelin bixiyay

Sepp Blatter
Image caption Madaxa FIFA, Sepp Blatter, waxa uu raali gelin siiyay England iyo Mexico

Madaxa hey'adda kubbadda Cagta ee Adduunka ee FIFA , Sepp Blatter, ayaa raali gelin siiyay dalalka England iyo Mexico khaladaadkii ay sameeyeen garsoorka Fifa ee looga badiyay labada kooxood cayaaraha adduunka.

Waxa uu sheegay in saraakiisha FIFA ay eegi doonaan isticmaalka farsamada video-ga xilliga ay cayaaruhu socdaan.

Video-ga cayaaraha adduunka oo dib loogu soo celiyay ayaa muujiyay in goolkii ugu horeeyay ee Argentine, oo 3-1 uga badisay Mexico uu ahaa Offside iyo goolkii muhiimka ahaa ee England laga diiday, cayaartii Germany 4-1 ay uga badisay.

Sepp Blatter waxa uu sheegay inuu aad uga xumaaday markii uu arkay cadeynta khaladaadka ay sameeyeen garsoorka FIFA, saraakiisha ayaa ka wada hadli doona qaabka ay farsamada tiknoolajiyadda ay u hormarin karto go'aanka garsoorayaasha.