QM: Xoolaha dalka dariska ah ha daaqaan

Xoolo jooga meel abaar ah
Image caption Xoolo joogo meel abaar ah, oo aad macluul u ah

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday waddamada bariga Afrika, iyo kuwa geeska Afrika ay u ogolaadaan dadka xoolo dhaqatada inay xadka ka gudbaan, si ay u daaqsiiyaan xoolahooda waqtiyada abaarta.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku waydiisatay Kenya, Uganda, Tanzania, Sudan Somaliya iyo Itoobiya inay u ogolaadaan xoolodhaqatada inay si xor ah uga gudbaan xudduudaha waddamada dariska.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in saddex million oo xoolo dhaqato reer Kenya ah, ay sanadkii hore cunto la 'aan ku dhacday, markii xoolahooda ay ka dhinteen daaq la'aan iyo biyo la'aan awgeed.