Duqeyn culus oo ka dhacday Muqdisho

Qof dhaawac ah
Image caption Qof dhaawac ah

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay inta la og yahay, 12 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn iyo dagaal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Duqeynta ayaa wararku sheegayaan inay sameeyeen ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika ka jooga magaalada Muqdisho, oo ka jawaabayay markii xoogagga Xarakada Shabaab ay ku durkeen goobaha ay dowladdu gacanta ku heyso.

Qaar ka mid ah dadka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duqeynta maanta ay ahayd tii ugu cusleyd ee in muddo ah ka dhacda magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku dhacaysay degmooyinka Shibis, Kaaraan, Huriwaa, Dayniile, Hodan iyo Hawlwadaag.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo Xarakada Shabaab ayaa waxay weli ku dagaallamayaan oo ay isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah degmada Cabdi Casiis.