Liberia oo laga cafinayo 4.6 billion

Hayadda lacagta adduunka ee IMF iyo bangiga adduunka, ayaa ku dhawaaqay in 4.6 billion oo dollar oo biilion laga cafinayo Liberia.

IMF ayaa ku amaantay Liberia daddaalka ay samaysay inay ku dhinto saboolnimada, ayna guubaabiso degenaansho dhaqaale.

IMF waxay sheegtay, in dayn cafinta ay ka caawin doonto Liberia in ay soo jiidato maalgashi mashruucyo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.