Mudanayaal mushaarka isu kordhiyay

Nairobi
Image caption Nairobi

Mudanayaasha Baarlamaanka Kenya ayaa mushaarka ka mid noqday siyaasiyiinta adduunka ugu mushaarka badan.

Ka dib markii ay cod u qaadeen ayay go'aamiyeen in mushaarkoodu uu noqdo $126,000 sannadkii.

Waxaa kale oo ay go'aansadeen in maalin kasta oo ay fadhiga Baarlamaanka u soo xaadiraan uu mudane kastaa qaato $370.

Mid ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Kenya ayaa ku tilmaamay in tallaabadan ujeeddadeedu ay tahay in siyaasadda loo soo celiyo heybadda.

Laakiin dadka arrimahan ka faalloodaa waxay ku tilmaameen in go'aankani uu ku soo beegmay maalmo yar ka dib markii Bankiga Adduunku uu Baarlamaanka Kenya ku tilmaamay in uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu musuqmaasuqa badan.