Afrika oo canshuurta qaar laga daynayo

Madaxwynaha Shiinaha Wen Jiabao
Image caption Raiisal wasaaraha Shiinaha Wen Jiabao

Shiinaha ayaa sheegay inay canshuurta ka dhaafayso ilaa shan kun oo alaabo ay ka soo gadato Afrika.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in balaarinta liiska alaabada laga dhaafayo canshuurta, inay ka mid tahay balanqaadkii shiinaha inuu caawiyo hadafka qaramada midoobay ay ku doonayso inay ku dhinto saboolnimada sanadka 2015ka.

Labaatan iyo lixda wadan ee ka faaidaysanaya canshuur dhaafka waxaa ka mid ah Djibouti, Itoobiya , Benin, Brundi, Equatorian Guinie, Eritaria, Sudan, Rwanda, Malawi, Sierra Leone, Tanzania, DRC, Guinea, Guniea bissau, Comoros, Liberia, Togo, Lesotho, Chad, Zambia, mali, Comoros.

Liiskan cusub ayaa waxaa ka mid ah alaabada Hilibka ,xoolaha, cuntada beeraha ka soo baxda iyo dharka.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in balaarinta liiska alaabada laga dhaafayo canshuurtaAfrika, inay ka mid tahay balanqaadkii shiinaha inuu caawiyo hadafka qaramada midoobay ay ku doonayso, inay ku dhinto saboolnimada sanadka 2015ka.