25 qof ka badan ayaa ku dhintay Muqdisho

Askarta dowladda

Dagaal culus, ayaa wali ka socda qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 25 qof, ayaa ku dhintay dagaal maalintii 3-aad ka socda Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya kooxaha mucaaradka ee Al-Shabaab ay ugu horayso iyo ciidamada dowladda oo ay la socdaan kuwa AMISOM.

Shalay madaxwayne Sheekh Shariif, ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka, isagoo raacay mid ka mid ah taangiyada ciidamada AMISOM, waxaana u gashanaa qalabka xabadda laga xirto.

Dadka dhintay ayaa u badan dad rayid ah oo ay ku dhaceen madaafiic ku dhacay isbitaalka Kaysaneey, Suuq-Bacaad iyo deegaano kale oo dad rayid ah degan yihiin. 7 ka mid ah saakay ayay ku dhinteen dagaalada dhacay.

Dagaalka xoogiisa, ayaa ka socda degmada Cabdulcasiis, hase yeeshee, madaafiicdu waxay ku dhacayaan meelo ka fog fog goobaha lagu dagaalamayo.

Agaasimaha isbitaalka Madiina, Maxamed Yuusuf, ayaa BBC u sheegay in 67 dhaawac ah la gaarsiiyay isbitaalkooda, halka maamulaha isbitaalka Kaysaneey Cali Bile uu sheegay in 25 dhaawac ah la soo gaarsiiyay isbitaalkaas.