Madaxweyne Rayaale wuu aqbalay natiijada

Madaxweyne Rayaale

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa aqbalay natiijada doorashadii Madaxweynaha ee looga guuleystay.

War uu si gaar ah u siiyay BBC, wuxuu Madaxweyne Rayaale sheegay in xilka uu si xarraga leh u wareejin doono.

Madaxweynuhuwuxuu ugu baaqay dadweynaha Somaliland in ay ilaashadaan midnimadooda.

Wuxuuna tartankii ololihii doorashada uu ku tilmaamay in uu ahaa cayaar walaalnimo.

Madaxweynuhu wuxuu u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka lala doortay, Cabdiraxmaan cabdillaahi Zeylici.

Daahir Rayaale Kaahin, oo ah Madaxweynaha Somaliland, wuxuu ahaa murashaxa xisbiga UDUB oo hadda noqonaya mucaarad.

Hore ayuu Madaxweynuhu u ballan qaaday in uu doonayo in uu magac uga tago Somaliland oo uu xilka si qurxoon u wareejiyo haddii laga guuleysto.

Xaaji Cabdi Xuseen oo ka mid ah odayada caanka ah ee Somaliyeed, ayaa xalay ugu baaqay Madaxweynaha in uu sidii Adan Cabdulle Cusmaan si sharaf xilka u wareejiyo.

Daahir Rayaale, waa Madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland u qabta doorasho Madaxweyne.

Laba jeer ayuu qabtay oo marna uu guuleystay, marna laga guuleystay.

Labada jeerba waxay tartameen Madaxweynaha hadda la doortay, Axmed Maxamed Silaanyo.

Haddana, rayaale wuxuu noqon doonaa, Madaxweynihii ugu horreeyay Somaliland ee xilka doorasho shacabku codka bixiyay lagaga adkaaday ee markaa xilka si nabad ah ku wareejiyay.