Burcad badeed afduubay markab kiimiko sida

burcad badeed
Image caption Burcad badeedda Soomaaliya waxay heystaan tiro maraakiib ah

Burcad badeed Soomaali ah ayaa afduubay markab sida kiimiko oo ay saaran yihiin 18 badmaaxayaal Filipino ah.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in markabka oo la yiraahdo MT Motivator laga afduubay badda cas meel 13 kun oo KM u jirta biyaha Soomaaliya.

Ciidamadu waxa ay sheegeen in burcad badeedda Soomaalida ay rasaas ku fureen markabka ka hor inta aanay qabsan.