Abu Zubeyr oo u hanjabay Uganda iyo Burundi

Shabaab
Image caption Qaar ka mid ah ciidanka xarakada Shabaab

Madaxa xarakada Shabaab, Abu Zubeyr, oo Soomaalidu u taqaan, Axmed Cabdi Aw Maxamuud Godane, ayaa ugu hanjabay Shucuubta Uganda iyo Burundi in iyaga laga goyn doono duqeyenta ku dhacaysa Shacabka Soomaaliyeed.

Godane, waxaa uu hadalkiisa ku soo beegay iyada oo dad badan oo rayid ahi ay ku dhinteen duqeny ay ciidamada AMISOM geysteen maalmahan ay dagaalka kula jireen Shabaab iyo kooxaha kale ee mucaaradka ku ad dowladda Soomaaliya.

Axmed Godane, waxaa uu duubay cajalad isugu jirta digniin iyo hajabaad oo suugaani ay ku laran tahay.