Shabaab iyo Xisbul Islaam oo 8 iska dilay

Shabaab
Image caption al-Shabaab

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta ay si kala gooni gooni ah isaga dileen 8 dagaalyahan oo ka kala tirsan labada dhinac Xarakada Alshabab iyo Xisbul Islam.

Sida ay sheegeen ilo madax banaan, koox hubeysan oo ka tirsan Alshabab ayaa xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigleey waxa ay ku dileeen 5 ka tirsan askarta Xisbul Islaam oo uu ku jiray nin sarkaal ah, muddo yar ka dib ayaa iyaguna kooxo kale oo hubeysan oo ka tirsan Xisbul Islaam waxa ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen rag ka tirsan Alshabab halkaasoo ay ku dileen sadax ka tirsan Alshabab.

Xiisad ayaa caawa laga dareemayaa xaafadda Xamar Jadiid ee ay dilalku ka dhaceen galinkii danbe ee maanta. Lama garanayo sababta keentay isdilka u dhaxeeya labada kooxood ee mucaaradka kuwaas oo dagaal kula jira dowladda KMG ah iyo AMISOM.