Banaanbaxyo looga soo horjeedo ciidamo ajnabi ah

Banaanbax Shabaab
Image caption Banaanbax Shabaab

Banaanbaxyo ayaa ka dhacay gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo looga soo horjeedo ciidamo ajnabi ah oo hor leh oo la keeno Soomaaliya.

Banaanbaxyada ayaa waxa ay ka dhaceen gobolada ay gacanta ku hayaan Xarakada Shabaab ee Jubbooyinka, Shabeelada hoose iyo dhexe, Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Galgaduud.

Waxaa dibedbaxyadan ka hadlaya qaar ka mid ah madaxda Shabaab oo ka digaya ciidamo ka socda Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay oo la keeno Soomaaliya.

Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmaya, laba maalin kadib markii urur goboleedka IGAD shir uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa, ay kaga baaqeen labaatan kun oo ciidan ah oo la geeyo Soomaaliya.